TYPES OF LOGOS

1. Letter Mark

Letter Mark waa calaamad ama astaamo loo isticmaalo
xarfaha bilowga ee magaca shirkad ama hay’ad. Waxay
ka kooban tahay hal ama dhowr xaraf oo bilowga
magaca shirkadda ah, waxaana inta badan la isticmaalaa
si fudud loo aqoonsan karo shirkadda. Tusaale ahaan:

“IBM” oo u taagan International Business Machines.
“CNN” oo u taagan Cable News Network.
“HP” oo u taagan Hewlett-Packard.
Letter Mark waxaa laga yaabaa in uu fudud yahay
laakiin wuxuu leeyahay awood weyn oo lagu
aqoonsan karo calaamad gaar ah oo shirkad
ama hay’ad leedahay.

2. Word Mark

Word Mark waa calaamad ganacsi oo ka kooban magaca
buuxa ee shirkad, hay’ad, ama badeecad. Waxaa loo –
adeegsadaa erayada iyo/ama tirooyinka si loola xiriiro ama
loo aqoonsado shirkadda, hay’adda, ama badeecadda.
Word Mark-ka waxaa laga yaabaa in lagu qoray qaab –
gaar ah, nooca far ah, ama midab gaar ah, laakiin
muhiimadiisu waa magaca laftiisa.

Tusaalayaal Word Mark ah waxaa ka mid ah:
“Google”
“Coca-Cola”
“Nike”

3. Pictorial

Pictorial waa nooc calaamad ganacsi ah oo ka kooban
sawir, astaamo, ama calaamado aan ahayn xarfo ama
erayo. Calaamaddan waxay isticmaashaa sawirro si ay
u matasho shirkad, hay’ad, ama badeecad. Pictorial-ka
wuxuu noqon karaa mid la yaab leh oo si sahlan loo
xasuusto, waxaana loo isticmaalaa in lagu abuuro aqoonsi
muuqaal oo shirkadda ah.

Tusaalayaal Pictorial ah waxaa ka mid ah:
“Apple” oo leh astaanta tufaaxa la qaniinay.
“Twitter” oo leh astaanta x.
“Instagram” Astaanta Instagram sawirka camera-ga.

4. Combination

Combination mark waa calaamad ganacsi oo isku darsata
labada astaamood ee kala duwan: sawir (pictorial) iyo xarfo
ama erayo (word mark). Calaamadahan isku dhafan waxay i
sticmaalaan sawirro iyo qoraallo si ay u abuuraan aqoonsi
gaar ah oo shirkadda ama badeecadda ah. Isticmaalka
labadaas qaab ayaa ka caawinaya shirkadaha inay si
sahlan loo aqoonsado, maadaama ay leeyihiin laba dhinac
oo kala duwan oo dadka xasuusiyo.

Tusaalayaal Combination mark ah waxaa ka mid ah:
“Pepsi”
“Adidas”
“Burger King”

5. Emblem

Emblem logo waa nooc calaamad ganacsi ah oo ka kooban
qoraal iyo sawir oo si is dhexgal ah loo mideeyey, badanaa
qoraalka waxaa lagu dhex darayaa ama ku dhex jiraa
sawirka. Calaamadahan waxaa caadi ahaan loo isticmaalaa
hay’adaha iyo ururada si ay u muujiyaan sumcadooda iyo
aqoonsigooda gaarka ah. Emblem logos waxay noqon karaan
kuwo taariikhi ah oo leh muuqaal rasmi ah oo sharaf leh.:

Tusaale waxa kamid ah :
“BMW”
“Warner Bros”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *